HomeCaalamkaDowlad ku dhawaaqday inay soo saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

Dowlad ku dhawaaqday inay soo saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in tallaal lagu sameeyay gudaha dalkiisa oo loogu talagalay Covid-19, la ansixiyay hadda. Tallaalkan ayaa lagu sameeyay tijaabo qaadatay in ka yar laba bilood oo lagu sameeyay bini-aadamka. Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalkan la mariyay dhammaan arrimihii loo baahnaa ee tijaabada ah, isagoo tilmaamay in gabadhiisa la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in tallaal lagu sameeyay gudaha dalkiisa oo loogu talagalay Covid-19, la ansixiyay hadda. Tallaalkan ayaa lagu sameeyay tijaabo qaadatay in ka yar laba bilood oo lagu sameeyay bini-aadamka.

Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalkan la mariyay dhammaan arrimihii loo baahnaa ee tijaabada ah, isagoo tilmaamay in gabadhiisa la siiyayba. Saraakiisha hoggaamisa dalkaas waxay sheegayaan in tallaal guud oo dalka oo dhan ay billaabi doonaan bisha October.

- Advertisement -

Khubarada ayaa walaal ka muujiyay sida degdegga ah ee Ruushka uu shaqadan u qabtay, waxayna sheegeen in cilmi-baarayaasha Ruushka ay suuragal tahay in ay si boobsiis ah u sameeyeen tallaalka.

Inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta badqabka, haddana Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isbuucii la soo dhaafay Ruushka ugu baaqday in uu raaco tilmaamaha caalamiga ah ee soo saaridda tallaalka ka hortagga fayraska Covid-19. Maanta, waxay WHO sheegtay in wadahadal ay kula jirtay Ruushka oo la xiriira dib u eegista tallaalka.

Tallaalka uu Ruushka soo saaray ka mid ma ahan lixda tallaal ee WHO ay ansixisay si ay wejiga seddaxaad ee tijaabada u gaaraan, taas oo qeyb ka ah tijaabo guud oo bini-aadamka lagu sameynayo. In ka badan 100 nooc oo tallaal oo kala duwan ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, iyadoo qaar ka mid ah lagu sameeyay tijaabada aadanaha oo hab caafimaad loo siiyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts