HomeCaalamkaDowlad ku dhawaaqday inay soo saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

Dowlad ku dhawaaqday inay soo saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in tallaal lagu sameeyay gudaha dalkiisa oo loogu talagalay Covid-19, la ansixiyay hadda. Tallaalkan ayaa lagu sameeyay tijaabo qaadatay in ka yar laba bilood oo lagu sameeyay bini-aadamka.

Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalkan la mariyay dhammaan arrimihii loo baahnaa ee tijaabada ah, isagoo tilmaamay in gabadhiisa la siiyayba. Saraakiisha hoggaamisa dalkaas waxay sheegayaan in tallaal guud oo dalka oo dhan ay billaabi doonaan bisha October.

- Advertisement -

Khubarada ayaa walaal ka muujiyay sida degdegga ah ee Ruushka uu shaqadan u qabtay, waxayna sheegeen in cilmi-baarayaasha Ruushka ay suuragal tahay in ay si boobsiis ah u sameeyeen tallaalka.

Inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta badqabka, haddana Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isbuucii la soo dhaafay Ruushka ugu baaqday in uu raaco tilmaamaha caalamiga ah ee soo saaridda tallaalka ka hortagga fayraska Covid-19. Maanta, waxay WHO sheegtay in wadahadal ay kula jirtay Ruushka oo la xiriira dib u eegista tallaalka.

Tallaalka uu Ruushka soo saaray ka mid ma ahan lixda tallaal ee WHO ay ansixisay si ay wejiga seddaxaad ee tijaabada u gaaraan, taas oo qeyb ka ah tijaabo guud oo bini-aadamka lagu sameynayo. In ka badan 100 nooc oo tallaal oo kala duwan ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, iyadoo qaar ka mid ah lagu sameeyay tijaabada aadanaha oo hab caafimaad loo siiyay.

- Advertisement -
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories