HomeCaalamkaRag hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dilay shaqaalo Gargaar

Rag hubeysan oo weerar gaadmo ah ku dilay shaqaalo Gargaar

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday koox ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee dalka Niger, halkaas oo ay ku dileen lix muwaadin oo Faransiis ah, hagahooda maxalliga ahaa iyo darawalkoodii, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladdu. Raggan hubaysan ayaa waxay wateen mootooyin waxayna ku fureen rasaas, gudoomiyaha gobolka Tillabéri, Tidjani Ibrahim, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada […]

- Advertisement -

Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday koox ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee dalka Niger, halkaas oo ay ku dileen lix muwaadin oo Faransiis ah, hagahooda maxalliga ahaa iyo darawalkoodii, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladdu.

Raggan hubaysan ayaa waxay wateen mootooyin waxayna ku fureen rasaas, gudoomiyaha gobolka Tillabéri, Tidjani Ibrahim, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP.

- Advertisement -

Waxay joogeen gobolka Koure, oo caan ku ah dalxiisayaasha doonaya inay arkaan geriga duurjoogta ah, noociisii ugu dambeeyey Galbeedka Afrika.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa iyana dhankeeda xaqiijisay dhimashada muwaadiniintan Faransiiska ah. Raggaas Faransiiska ah ayaa u shaqeynayay koox gargaar oo caalami ah, wasiirka difaaca ee Niger Issoufou Katambé ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Horaantii, masuuliyiintu waxay ku sifeeyeen keliya inay ahaayeen dalxiisayaal.

Hay’adda samafalka ee Faransiiska ee ACTED oo ay ka tirsanaayeen ayaa iyana dhankeeda sheegtay in qaar shaqaalaheeda ka mid ah ay qayb ka ahaayeen masiibadan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories