HomeWararTaliye ku-xigeenkii hore ee NISA “Shirarka beelaha waxaa ay saameyn ku yeelan...

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA “Shirarka beelaha waxaa ay saameyn ku yeelan doonaan awooda Dowladda”

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada xiliga ay ku dhic laheyd doorashada Madaxtinimmo ee Soomaaliya oo ku began dhammaadka sanadkaan 2020 iyo billowga 2021, iyada oo ay sii dheertahay muddo kororsi ay suurtagal tahay in ay sameystaan Hay’addaha Dastuuriga marka la gaaro Wakhtiga doorashada. Tani waxa ay keentay in […]

- Advertisement -

Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo dib u dhac ku yimaada xiliga ay ku dhic laheyd doorashada Madaxtinimmo ee Soomaaliya oo ku began dhammaadka sanadkaan 2020 iyo billowga 2021, iyada oo ay sii dheertahay muddo kororsi ay suurtagal tahay in ay sameystaan Hay’addaha Dastuuriga marka la gaaro Wakhtiga doorashada.

Tani waxa ay keentay in Shirar joogta ah oo looga hadlayo xaaladda dalka ay yeeshaan beelaha, Siyaasiyiinta iyo Madaxda maamul Gobaleedyada, si walacaas meesha looga saaro, waxaana ugu dambeeyay Shirweynihii Beesha Muddullood ee ka dhacay Magaaada Muqdisho.

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA C/Salaam Guuleed Dowladdii Xasan Sheekh oo qeyb galay dood ka baxday Talafeshinka BBC-da ayaa sheegay in Shirka beesha Beesha Muddullood uu kusoo aaday xilli meesha ay ka baxday filashadii aheyd in dowladda jirta ay gaarto deegaan kasta oo dalka ka mid ah, kana fuliso adeegyadii ay u baahnaayeen dadweynuhu, taasina ay keentay in ay aayahooda ka tashadaan Beeshu.

Dhinaca kale C/Salaam Guuleed ayaa tilmaamay qodobadii kasoo baxay Shirka Muddullood ay muujinayaan in Beeshu aysan raali ka aheyn sida ay dowladdu wax u waddo, shakina ay ka qabaan in xoog ay wax ku maquuniso, isaga oo cadeeyay in ay soo socdaan shirar kale oo kuwaan la mid ah.

Isaga oo sii hadlayay Cabdisalaan guuleed ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in shirarka ay beelaha ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka uu saameyn ku yeelan doono awooda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta.

- Advertisement -

Qodobada ku jiray Shirka Beesha Muddullod waxa uu tilmaamay in ay dareemeen gaabis weyn oo ka jira dhanka dowladda, iyaga oo wada abaabul ah in la xureeyo deegaanada ay heystaan Al-shabaab, lana hormariyo kuwa ku jira gacanta dowladda.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagusoo geba-gebeeyay Shir ay yeesheen Beesha Muddullood, waxaana kasoo qeybgalay Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweynayaashii hore  ee dalka ee beesha Muddullood, Odayaal iyo Ergo ka badan 5000, iyada oo lagasoo saaray War-murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob oo looga hadlay xilliga kala guurka ah iyo jaheynta dowladnimada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories