HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla agagaarka Xaruntii Xisbiga ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Jugta qaraxas ayaa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad shacab ah oo Xerada ka Agdhawaa.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, in kastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo Warka ay soo saareen Shabaab, intaas lagu ekeeyay.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Booliska dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Xerada Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories