HomeWararMadaxweyne Biixi oo hal Arrin ula kulmi la’ Safiirka Shiinaha ee Somalia

Madaxweyne Biixi oo hal Arrin ula kulmi la’ Safiirka Shiinaha ee Somalia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa weli ku sugan Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo dhawaan halkaas gaaray, si uu kulan ula qaato Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ilo dhinaca diblomaasiyadda ayaa weriyay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu doonayo in Madaxweynaha Somaliland kala hadlo xiriirka Cusub ee u dhexeeya Maamulkaas iyo Dalka Taiwan. […]

- Advertisement -

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa weli ku sugan Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo dhawaan halkaas gaaray, si uu kulan ula qaato Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ilo dhinaca diblomaasiyadda ayaa weriyay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu doonayo in Madaxweynaha Somaliland kala hadlo xiriirka Cusub ee u dhexeeya Maamulkaas iyo Dalka Taiwan.

- Advertisement -

Safiir Qin Jian oo saddex maalmood ku sugan Hargeysa ayaa waxaa kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan yuusuf Gaaxnuug, xili uu halkaas ka maqan yahay Wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.

Weli lama oga sababta keentay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu la kulmi waayo Madaxweyne Muuse Cabdi Biixi, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Biixi uu ka war helay in Safiirka Shiinaha uu doonanayo inuu hordhigo dalab ah in Somaliland ka baxdo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

Si kastaba Shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiisyo kala duwan oo ay horey u wada galeen Somaliland iyo Taiwan, isla markaana heshiiskaas uu gaaray heer labada dhinac ay wakiilo is weydaarsadaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories