HomeWararFaah faahin:-Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya si hordhac uga hadlay qaraxii daqiiqado kahor ka dhacay Maqaayada Caanka ee Luul Yemani ee ku taalla meel ku dhow Xabsiga dhexe ee dalka. Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Saadaq Aadan oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya si hordhac uga hadlay qaraxii daqiiqado kahor ka dhacay Maqaayada Caanka ee Luul Yemani ee ku taalla meel ku dhow Xabsiga dhexe ee dalka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Saadaq Aadan oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uuna dhacay xili dad badan ay ka cunteynayeen Luul Yemani.

- Advertisement -

“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayadda Luul Yamani ee ku taalla Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socod siindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Gaashaanle Saadaq Aadan.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani, waxaana wararka qaarka la helayo ay sheegayaan inuu jiro Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadm halkaas ku sugnaa.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo xiray wadada, isla markaana halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories