HomeWararDuq Cusub oo loo Magacaabay Magaalada Baladweyne (Wareegto)

Duq Cusub oo loo Magacaabay Magaalada Baladweyne (Wareegto)

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo Duq Cusubna Magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka Duqa Cusub ee Baladweyne loogu Magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u haayay oo  laga qaaday Safiya […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo Duq Cusubna Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka Duqa Cusub ee Baladweyne loogu Magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u haayay oo  laga qaaday Safiya Xasan Jimcaale.

- Advertisement -

Dhamaan Hay’addaha amniga Baladweyne, kuwa Gobolka iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay la shqeeyaan Mas’uulka Cusub ee loo Magacaabay Duqa Baladweyne, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Duqii hore ee Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir, waxaana xilka Duqa Magaaldaas loo magacaabay 27-ka bishii 5-aad ee sanadkii tegay ee 2019.

 

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories