HomeWararXildhibaan ka tirsan Maamul Goboleed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Maamul Goboleed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti). Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Xildhibaan Galti. Geerida Xildhibaan Axmed Sheekh ayaa waxaa […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti).

Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Xildhibaan Galti.

- Advertisement -

Geerida Xildhibaan Axmed Sheekh ayaa waxaa xaqijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana geerida ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  dowlad Goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.

Gudddoomiye Maxamed Gacal Nuur ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, qaraabaddii, shacabka reer Galmudug iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Axmed Sheekh Galti, isagoo Alle uga baryay inuu janada firdowsa ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Gacal Nuur ayaa waxaa uu tilmaamay in Marxuumka uu ahaa shaqsi wanaagsan, isla markaana uu kasoo qeyb qaatay shaqooyin kala duwan uu soo qabtay Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories