HomeWararUrurka Jaamacadda Carabta oo ka hadlay xilka qaadistii Kheyre iyo fariin la...

Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadlay xilka qaadistii Kheyre iyo fariin la diray

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Uurka Jaamacadda Carabta ayaa War Cusub kasoo saaray Shirkii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay qodobada kasoo baxay Shirklii Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana qobobada kamid ahaa oo Madaxda ay isku raaceen in Doorasha dalka […]

- Advertisement -

Uurka Jaamacadda Carabta ayaa War Cusub kasoo saaray Shirkii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay qodobada kasoo baxay Shirklii Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana qobobada kamid ahaa oo Madaxda ay isku raaceen in Doorasha dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu-talay.

- Advertisement -

Sidoo kale Bayaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa Madaxda dowladda iyo kuwa Maamulada loogu baaqay inay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb, si Jawi dagn loogu gaaro Doorashada dalka.

Dhinaca kale Xoghaynta Guud ee Uurka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kalsoonida uga noqdeen Ra’iisul Wasaarihii  Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hadalka Xoghaynta Guud ee Uurka Axmed Abuu Al-Qeyd ee uu ku sheegay inuu  la socdo xilka qaadis Xasan Cali Kheyre ayaa Wargeyska Masraawi ee ka soo baxa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar uu ka soo xigtay Ilo rasmi ah oo ka tirsan Xafiiska Xoghaynta.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Uurka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowladda Federaalka ay ka taageeri doonaan Ammaanka iyo deganaanshaha iyo Ka-hortaga Masiibooyinka xiliyada qaarkood dhaca, iyagoona tilmaamay inay la socdaan qorshaha lagu soo dhisayo Xukuumadda Cusub ee dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories