HomeWararMD Farmaajo "Shacabka waxaa looga baahan yahay inay ku kalsoonaadan hore u...

MD Farmaajo “Shacabka waxaa looga baahan yahay inay ku kalsoonaadan hore u socodka”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.

- Advertisement -

“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories