HomeCaalamkaTrump oo diiday inuu caddeeyo Mowqifkiisa Doorashada soo socota

Trump oo diiday inuu caddeeyo Mowqifkiisa Doorashada soo socota

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November. Trump oo wareysi siinayey telefishinka Fox ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada hadii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November.

Trump oo wareysi siinayey telefishinka Fox ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada hadii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

- Advertisement -

Hadalada Trump ayaa kusoo beegmayo xili la saadaalinayo in Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden uu dhanka taageerada uga horeeyo Madaxweynaha xilka haya tani oo walaac weyn ku heysa xisbi xaakimka Jamhuuriga.

Xafiiska Joe Biden oo ka jawaabaya diidmada Donald Trump ayaa sheegay in Dalka Maraykanka uu shuruuc leeyahay, isla markaana ay Shacabka dooran doonaan Madaxweynahooda, cidii isku dhajisa Aqalka Cad banaanka looga tuuri doono.

Donald Trump ayey taageeradiisa hoos usii dhaceysay tan iyo horaantii sanadkan, waxayna dad badan ku dhaliilayaan qaabkii uu u wajahay kahor taga cudurka Covid19 oo xiligan faro-ba’an ku haya dalka Maraykanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories