HomeCaalamkaErdogan oo si kulul u Cambaareyay Dowladdo taageeray Gen. Xaftar

Erdogan oo si kulul u Cambaareyay Dowladdo taageeray Gen. Xaftar

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya.

Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar Cabdifitaax el Sisi uu isbuucan la kulmay hoggaamiyayaasha qabaa’illada bariga Liibiya oo ka dalabday Qaahiro inay soo farageliso dagaalka.

- Advertisement -

Turkiga ayaa gargaar milatari ku caawiya dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, halka Masar, Imaaraadka iyo Ruushkana ay taabacsan yihiin maamul kale oo saldhigoodu yahay bariga Liibiya oo uu horkacaya janaraal Xaftar.

” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Erdogan.

El-Sisi ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabay inay suuragal tahay in ciidammada Masar ay gudaha u galaan Liibiya haddii dowladda Tripoli ee taageerada ka hesha Turkiga ay markale weerar ku soo qaadaan jiidda dagaalka ee dhinaca Sirte-Jufrah oo loo arka inay tahay marinka goobaha laga soo saara saliidda ee ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada taabacsan Xaftar.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories