HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo masuuliyiin kala duwan kula kulmay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Galmudug oo masuuliyiin kala duwan kula kulmay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay magaalada Garoowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo tegay goobo lagu caweeyo. Xubna ka mid ah Golaha Wasiirada, Barlamanka Dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Putland oo ku sugan goobta ayuu Madaxweynuhu halkaas ku salaamay. Madaxweyna Galmudug ayaa bulshada uu la kulmay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay magaalada Garoowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo tegay goobo lagu caweeyo.

Xubna ka mid ah Golaha Wasiirada, Barlamanka Dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Putland oo ku sugan goobta ayuu Madaxweynuhu halkaas ku salaamay.

- Advertisement -

Madaxweyna Galmudug ayaa bulshada uu la kulmay waxa uu uga xog waramay xaaladda dalka iyo sida bulshadu ay qeyb uga qaadan karaan dib u dhiska dalka iyaga oo doorkooda wanaagsan muujinaya.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu ka mid yahay masuuliyiin u tegay magaalada Garoowe aaskii qaran ee loo sameeyay allaha u naxariistee ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories