HomeCaalamkaMareykanka oo ka noqday qorshe ka dhan ahaa Ardayda

Mareykanka oo ka noqday qorshe ka dhan ahaa Ardayda

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xukumadda madaxweyne Donald Trump ayaa ka noqotay qorshaheedi ahaa iney ardayda ajaanibta ee casharrada jaamacadaha ku qaata qaab online ah in dalalki ay ka yimaaddeen dib loga celiyo cudurka safmarka ee coronavirus awgii. Ka noqoshada qorshahaasi ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc kaddib marki la shaaciyey qorshahaasi. Jaamacadda Harvard iyo Machadka Teknooloojiyadda ee Massachusetts (MIT) […]

- Advertisement -

Xukumadda madaxweyne Donald Trump ayaa ka noqotay qorshaheedi ahaa iney ardayda ajaanibta ee casharrada jaamacadaha ku qaata qaab online ah in dalalki ay ka yimaaddeen dib loga celiyo cudurka safmarka ee coronavirus awgii.

Ka noqoshada qorshahaasi ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc kaddib marki la shaaciyey qorshahaasi.

- Advertisement -

Jaamacadda Harvard iyo Machadka Teknooloojiyadda ee Massachusetts (MIT) ayaa dacwad ka gudbiyey qorshahaasi.

Garsooraha Massachusetts, Allison Burroughs wuxuu sheegay dhinacyada arrintan ay quseyso iney xal la yimaaddaan.

Heshiiskaasi ayaa dib u soo celinaya qorshe la dhaqan-geliyay bishii Maarso, cudurka safmarka ee dillaacay awgii, kaasoo u oggolaanaya ardayda ajaanibta ah ay casharradooda qaataan haddii loo baahdo iney si sharci ah ay dalku ku joogi karaan fiisooyinka ardayda ay dalka ku joogaanna la siiyo sida uu qoray wargeyska New York Times.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories