HomeWararShil Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil Khasaaro geystay gelinkii dambe ee Maanta ka dhaca Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Shilkaas uu ka dhacay Xaafada Kooka-koola ee Yaaqshiid, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil Khasaaro geystay gelinkii dambe ee Maanta ka dhaca Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Shilkaas uu ka dhacay Xaafada Kooka-koola ee Yaaqshiid, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari nooca raaxada ah.

- Advertisement -

Sidoo kale dadka naga hadlay ayaa waxaa inoo sheegeen in Mooto Bajaajta ay saarnaayeen laba wiil oo dhalinyaro ahaa, isla markaana uu ku dhacay gaariga raaxada ahaa oo la tilmaamay inuu socday xawaare sare.

Laba wiil ee dhalinyarada ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana dhaawac fudud uu soo gaaray Darawalkii waday gaariga raaxada ah, kaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal geysta Khasaarooyin kala duwan, kuwaasi oo inta badan ka dhasha gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo Waddooyinka Magaalada loogu dhex-wada si xawaare sare ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories