HomeWararFaah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faahin. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Marxuumka inta uusan dhicin falka dilka ah uu soo kala dhexgalay muran kooban, hayeeshee markii dambe uu Askariga ku […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faahin.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga iyo Marxuumka inta uusan dhicin falka dilka ah uu soo kala dhexgalay muran kooban, hayeeshee markii dambe uu Askariga ku furay rasaas.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninka la dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayadda Caan ah ee Zaytuuni Restaurant oo Xarumo kala duwan ku leh gudaha Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Askarigii ka tirsanaa Ciidanka dowladda ee dilka geystay uu goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaas laga qaaday Meydka ruux la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ay dilal bareer ugu geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, ayna ku jireen Darawalo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories