HomeWararTaliska Booliska oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Laanta Canshuuraha

Taliska Booliska oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Laanta Canshuuraha

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday Gaariga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday Gaariga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu weerarao Xarunta Ilaalinta canshuuraha oo ku taalla kasoo horjeeda Dekadda weyn ee Muqdisho.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo Bar Koontaroo ku lahaa agaagarka Xarunta Dekadda ay hortegeen, kadib markii ay rasaas ku fureen gaariga oo xoog ku socday, uuna ku qraxy Derbiga Xarunta.

Isaga oo sii hadlaayay Afhyeen Sadiiq ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasi oo si Deg deg ah loo geeyay Xarun Caafimaadka, uuna qaraxaas Khasaaro u geysan Dad shacab ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa tilmaamay inay socdaan baaritaano ku aadan gaariga qarxay ayna xog dhameytstiran oo ku aadan qaraxii saakay dib ula wadaagi doonaan shacanka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu dhacayay ayaa lagu arkayay qeyb kamid ah Derbiga Xarunta Laanta Canshuuraha Booliska oo burbur xoogan soo gaaray, sidoo kalena ay dhulka daad-san yihiin Caleen badan oo geed ku yaalla halkaas ah.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas lagu weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha ee kasoo horjeeda Dekaadda ku taalla, waxaana qaraxa uu noqonayaa mid bilooyin kadib ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories