HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalkaas. Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ayaa ku yaalla deegaanka Faafi ee duleedka Gaarisa, waxaana intaas kadib la sheegay inuu dhacay dagaal […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalkaas.

Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ayaa ku yaalla deegaanka Faafi ee duleedka Gaarisa, waxaana intaas kadib la sheegay inuu dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay Kenya iyo Al-shabaab.

- Advertisement -

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shaabab ayaa waxaa ku sheegeen in weerarka uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo la gaarsiiyay Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay ku degtay deegaanka Faafi, isla markaana halkaas ay ka daabushay dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.

Shabaab ma shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Kenya ee deegaanka Faafi, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladdaas oo ay uga hadlayaan weerarkii dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories