HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xeraale

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xeraale

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow oo Caawa ah gaaray deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Safarka Qoorqoor ee Xeraale ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiiro iyo Xildhibaano, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow oo Caawa ah gaaray deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Qoorqoor ee Xeraale ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiiro iyo Xildhibaano, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Qoorqoor ayaa inta uu ku sugan yahay Xeeraale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona baahiyaha jira si wax looga qabto.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa , wuxuuna xalay halkaas uga qeyb galay Munaasabadda loogu dabaal-degayay 1-da Luuliyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories