HomeWararHowlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa saacadaha soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka sigaar uga fuliyay deegaanada kala ah Jaamaca, Mareereey, Mukaydheere iyo Haanshiiq, isla markaana waxaa howlalka lagu soo qabtay dad loo shakiyay inay xiriir la leeyiin Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Abshir Maxamuud Maxamed Shaqtaqey oo hogaaminayay howlgalka ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaanada hoostaga Degmada Balcad.

Sidoo kale Taliye Abshir Shaqtaqey ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka lagu soo qabtay howlgalka oo u badan dhalinyaro ay haatan ku socdaa baaritaano kala duwan, iyadoo qaarkoodna lasii daayay.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada hoostaga Balcad looga baahan inay la shaqeeyaan Ciidanka, si looga hortego weerarada xiliyada qaar ka dhaca halkaas.

Howlgalkaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhowr weeraro toos ah iyo kuwo loo adeegsaday Madaafiic lagu qaaday Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halka kuwo kalena Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories