HomeWararTaabid Cabdi oo ka hadlay Go’aankii lagu ansixiyay Metelaadda G/Banaadir

Taabid Cabdi oo ka hadlay Go’aankii lagu ansixiyay Metelaadda G/Banaadir

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Dalka. Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay ansixinta xeerka Metelaadda Gobolka ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, wuxuuna arrintaas […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Dalka.

Taabid Cabdi oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay ansixinta xeerka Metelaadda Gobolka ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu Taabid Cabdi uga mahadceliyay Go’aankii ay ku ansixiyeen xeerka, isagoo sheegay in Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho loo rumeeyay qeyb ka mid ah rajadii ay qabeen.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan inay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho iyo caafimaad.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi.

- Advertisement -

Waxaa rumoobay qeyb ka mid ah riyadii Muqdishaawiyiinta oo mudo duudsaneyd taasoo ah matalaadda Aqalka Sare ee G/Benaadir. Waa tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay rumeynta sadka xaqa ah ee G/Benaadir uu maanta helay.

Laga bilaabo maanta Muqdishaawiyiinta waxaa hortaalla in ay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho, caafimaad & maamul iskufilan oo dadka G/Benadir sitoos ah ugu adeega.

Soomaaliya maadaama ay qaadatay hannaanka Federaalka, Maamul madaxbanaan in uu yeesho G/Benaadir waa mid dastuuri ah, hadii federaalku run naga yahay.

Waxaa xusid mudan in Guddigii Dib-u-Eegista Dastuurka ee Barlamaankii 9aad ay isku raaceen in nooca maamul ee Benaadir/Muqdisho ay yeelan doonto uu noqdo Gobol Madaxbanaan oo isla markaana ah Caasimadda Dalka (City State), sida magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo federaal ah, waana nooca maamul ee uu mudan yahay G/Benadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories