HomeCaalamkaMid kamid ah Dowladaha Afrika oo Madaxweyne Cusub yeelatay

Mid kamid ah Dowladaha Afrika oo Madaxweyne Cusub yeelatay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay. Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay.

Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasi oo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo.

- Advertisement -

Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Salaasadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika.

Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah.

Codeyntan ayay falanqeeyeyaashu u arkayeen in ay tahay imtixaan ku wajahan awoodaha maxkamada Africa ay u leeyihiin la tacaalidda wax isdaba marinta doorashooyinka, iyo xakameynta awooddaha madaxda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories