HomeWararBanaanbax lagu taageerayo Ansixinta Metelaadda GB oo ka socda Muqdisho

Banaanbax lagu taageerayo Ansixinta Metelaadda GB oo ka socda Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taaladda Daljirka Daah-soon ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda Banaanbax lagu taageerayo Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale, iyadoona Taaladda Daljirka Daah-soon ay ku sugan yihiin Dadweyne farabadan iyo Koox Fanaanii ah oo goobta ka qaadaya heeso.

- Advertisement -

Shacab badan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin Go’aankii 13-ka xubnood Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa saacadaha soo socda ku biiri doona Banaanbaxa haatan ka socda Taaladda Daljirka Daah-soon ee Degmada Boondheere, iyagoo halkaas ka jeedin doona Khudbado ay uga hadlayaan Gobolka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas siweyn u soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories