HomeWararMuxuu ka yiri Gen. Muungaab Ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir?

Muxuu ka yiri Gen. Muungaab Ansixinta Metelaadda Gobolka Banaadir?

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay Go’aankii Maanta lagu ansixiyay xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka sare ee dalka. Qoraal uu soo saaray Muungaab ayaa waxaa uu ku bogaadiyay tallaabada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen in Gobolka Banaadir metalaad 13 xubnood ah ku yeesho Aqalka Sare […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay Go’aankii Maanta lagu ansixiyay xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka sare ee dalka.

Qoraal uu soo saaray Muungaab ayaa waxaa uu ku bogaadiyay tallaabada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen in Gobolka Banaadir metalaad 13 xubnood ah ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Gen Muungaab in Arrinta metelaadda Gobolka ay tahay bilow iyo horumar ah oo mudan in lasoo dhoweeyo, isagoo Baarlamaanka Federaalka ugu baaqay inuu si Deg-deg ah u gudda-galo dhaqan gelinta qodobka muhiimadda weyn leh ee Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Qoraalka uu soo saaray Generaal Muungaab ayaa qornaa sidan:

Waxaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku bogaadinayaa tallaabada ay qaadeen ee ay ku ansixiyeen maanta oo ay taariikhdu ahayd 27 June 2020 inuu Gobolka Banaadir metalaad 13 xubnood ah ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Waa arrin bilow iyo horumar ah oo mudan in lasoo dhoweeyo, balse kuma filna, waayoo sida uu qabo qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah Baarlamaanka waxaa laga sugayey Maqaamkii Muqdisho oo dhamaystiran, arrintaa oo soo jiitamaysay ku dhowaad 20 aano oo aanay Baarlamaannadii hore waxba ka qaban.

Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka inuu deg-deg u gudda galo dhaqan gelinta qodobka muhiimadda weyn leh ee Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories