HomeWararHay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo kulan muhiim ah...

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo beesha caalamka oo kulan muhiim ah yeeshay

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay alladda la iska-arko ee Internetka la yeeshay qaar kamid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri “Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku booriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhameeystirka dastuurka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories