HomeWararDFS oo ka hadashay Lacag uu ugu deeqay Bangigga Aduunka

DFS oo ka hadashay Lacag uu ugu deeqay Bangigga Aduunka

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay lacag uu ugu deeqay Bangigga Aduunka kuwaas oo loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Dalka.

Bangigga Adduunka ayaa ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan $55 Milyan oo la sheegay in lagu kaabi doono Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka si loosii kordhiyo adegyada dowladda ay u heyso dadweynaha.

Deeqaadaan lacageed ee Bangigga Addunka ayaa kusoo aadeysa xilli dunida uu saameyn dhaqaale ku yeeshay Cudurka Coronavirus si gaar ahna u saameeyay dhaqaalaha Soomaaliya taas oo ka dhigan kaalmo dhaqaale oo Bangiggu ugu talagalay Somalia si ay ugasoo kabsato dhibaatadii maaliyadeed ee gaartay in uu jiray Corona.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo war ka hadlay lacagta Bangigga Adduunku ugu deeqay Soomaaliya waxa uu sheegay in lacagtaasi ay ku kasbadeen maamul wanaag, isaga oo u mahaceliyey bangiga adduunka.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag, Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Xukuumadda fedraalka  C/raxmaan Ducaale Beylem oo la hadlay Warbaahinta.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed maadaama ay culeysyo badan oo dhaqaale ay ka jiraan dalka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories