HomeWararQM oo War kasoo saartay Jaamacadda uu hoggaamiyo Cali Maxamed Geedi

QM oo War kasoo saartay Jaamacadda uu hoggaamiyo Cali Maxamed Geedi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Jaamacadda Cusub ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, taasi oo lagu magacaabo United Nations Academy of Somalia (UNAS). Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu beeniyay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay […]

- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Jaamacadda Cusub ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, taasi oo lagu magacaabo United Nations Academy of Somalia (UNAS).

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu beeniyay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda United Nations Academy of Somalia ee uu leeyahay Cali Geedi.

- Advertisement -

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in UNAS aysan helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanteeda, waxaana QM sheegtay in adeegsiga magacaas uusan sharciga aheyn.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay dacwad sharci ah la tiigsan doonaan Magaca UNAS oo ah Jaamacad Cusub uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, isla markaana wax loogu barto hab Online ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories