HomeWararNin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay mid kamid ah Dalalka Yurub

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay mid kamid ah Dalalka Yurub

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Cloppenburg ee ka tirsan Gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka  ayaa waxaa lagu dilay Gabar Soomaali ah, waxaana dilkaas u geystay sida la sheegay Ninkii qabay oo isna Soomaali ah. Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Leylo Saciid, iyadoona kamid aheyd Soomaalida kunool Magaalada Cloppenburg ee Jarmalka, waxaana kasoo baxay dilka loo geystay […]

- Advertisement -

Magaalada Cloppenburg ee ka tirsan Gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka  ayaa waxaa lagu dilay Gabar Soomaali ah, waxaana dilkaas u geystay sida la sheegay Ninkii qabay oo isna Soomaali ah.

Marxuumada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Leylo Saciid, iyadoona kamid aheyd Soomaalida kunool Magaalada Cloppenburg ee Jarmalka, waxaana kasoo baxay dilka loo geystay warar kala duwan.

- Advertisement -

Khilaaf aan xog dheeraad ah laga helin ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex-galay Marxuumad Leylo Saciid iyo Ninkeeda oo guursaday bil iyo bar kahor, isagoo ugu dambeyn dilay xaaskiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Jarmadka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa ay gacanta ku dhigeen Ninka falka geystay, iyagoona durbo xabsiga u taxaabay, ayna ku socdaan baaritaano.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Marxuumad Leylo Saciid ay ifka kaga tegtay laba Caruur ah oo la tilmaamay inay u dhashay Nin kale oo ay horey u kala tageen, waxaana  sanadkii hore qaxooti ahaan looga qaaday dalka Masar oo la geeyay Jarmalka.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa Caruurtii ay ka geeriyootay waxaa la wareegay oo haatan gacanta ku haaya qeybta Caruurta qaabilsan ee Jugendamt-ga ee dalka Jarmalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories