HomeWararDadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Puntland oo kordhay

Dadka laga helay Cudurka COVID-19 ee Puntland oo kordhay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay markale Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoona uu u muuqdo Cudurka mid kusii faafaya deegaanada maamulkaas. Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 74 qof, isla markaana laga helay 21 kamid ah […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay markale Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoona uu u muuqdo Cudurka mid kusii faafaya deegaanada maamulkaas.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 74 qof, isla markaana laga helay 21 kamid ah dadkaas laga helay xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

- Advertisement -

Dadka laga helay Cudurka oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa ku kala sugan Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland 1 qof, Boosaaso 1 qof  laascaanood dhinaca Puntland 1 qof iyo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo ay ku sugan yihiin 18 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 291 qof , waxaa u dhintay 8 qof, halka ay ka bogsadeen 43 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories