HomeWararDeni “Puntland ma aqoonsan doonto Natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti”

Deni “Puntland ma aqoonsan doonto Natiijada kasoo baxda Shirka Jabuuti”

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka maamulkaas, isagoona Munaasabdda furitaanka ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka shalay Magaalada Jabuuti uga furmay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland aysan aqbalayn wada-hadal lala galo Somaliland oo aysan maamulkiisa qeyb ka ahayn, isla markaana arrintaas laga leeyahay darro ah oo siyaasadeed.

Sidoo kale Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ay aheyd in laga qeyb geliyo wada-hadalka, hayeeshee arrintaas aysan dhicin, isagoo ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka inay ku xad-gudbiyeen Dastuurka dalka.

“Wadahadalkasta oo Somaliland lala galo oo aanaan qeyb ka ahayn ma aqbalayn annaga ayaa xuduud naga dhaxaysaa, waxayna aheyd in Puntland laga qeyb geliyo oo doorsiiyo gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen Magaalada Jabuuti.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories