HomeCaalamkaYurub oo isu diyaarinaysa hal Arrin oo ku aadan Cudurka Coronavirus

Yurub oo isu diyaarinaysa hal Arrin oo ku aadan Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Shirkadda AstraZeneca oo sameeysa dawooyinka lagana leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay heshiis la saxiixatay dalalka Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Netherlands si ay u siiso tallaalka ka hortaga fayraska karona dhamaadka sanadkaan 2020-ka Heshiiska qandaraaska waxaa ku jira soo saarista qiyaastii 400 milyan oo tallaal oo ay soo saarayso Jaamacadda Oxford, sida ay sheegtay […]

- Advertisement -

Shirkadda AstraZeneca oo sameeysa dawooyinka lagana leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay heshiis la saxiixatay dalalka Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Netherlands si ay u siiso tallaalka ka hortaga fayraska karona dhamaadka sanadkaan 2020-ka

Heshiiska qandaraaska waxaa ku jira soo saarista qiyaastii 400 milyan oo tallaal oo ay soo saarayso Jaamacadda Oxford, sida ay sheegtay shirkaddu.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay waddo qorshe ah soo saarista tallaal badan oo lagu caawinyo hay’adaha gargaarka si loogu adeegsado la dagaalanka cudurka mudada uu socdo.

Wasiirka Caafimaadka Talyaaniga, Roberto Speranza, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook, ku sheegay in marxaladda tijaabinta tallaalka ay durba bilaabatay, isla markaana ay gaartay heerar wanaagsan lana filayo inuu dhammaado dhawaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shirkaddu waxaa ay saxiixday qandaraasyo wax soo saar heer caalami ah, si ay u gaarto yoolkeeda ah soo saarista laba bilyan oo tallaal .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories