HomeCaalamkaMucaaradka Yemen oo shaaciyay inay wadahadallo u galaan hal Arrin

Mucaaradka Yemen oo shaaciyay inay wadahadallo u galaan hal Arrin

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Sarkaal sare oo ka tirsan fallaagada Yemen, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallo toos ah oo ay lagalaan xulufada Sucuudiga si loo afjaro dagaalka shanta sanno ka socda dalkaas.

“Waxaa diyaar u nahay wadahadallo aan la galno waddamada dagaalka ku jira, si loo afjaro dagaalka ka socda Yemen shanta sanno” ayuu yiri Maxamed Cali Al-Xuuthi oo xubin sare oo ka tirsan fallaagada Yemen ka dagaallamaysa.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in ay xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah waddamada ay dagaallamayaan, laakin ma shaacin waddan ka mid ah kuwaas.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Riyaadh oo ku aadan warka ka soo baxay.

Yemen dagaallo ayaa ka socday tan iyo sannadkii 2014-kii, kaddib markii mucaaradka Yemen ay la wareegeen inta badan waddanka oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa ka sii daray sannadkii 2015-kii  markaas oo Sucuudiga iyo waddamo kale ay duulan ku qaadeen dalkaas ku yaalla gacanka Carbeed si loo soo celiyo dowladda sharciga ee hadda fadhida Cadan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories