HomeCaalamkaMaxkamad Go’aan ka gaartay Qofkii bedeli lahaa Madaxweynihii Burundi

Maxkamad Go’aan ka gaartay Qofkii bedeli lahaa Madaxweynihii Burundi

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Maxkamada ugu sareysa dalka Burundi ayaa soo saartay go’aan looga gol leeyahay in lagu so afjaro marnaan dhanka awoodda ah oo ka dhalatay geeridii lama filaanka ahayd ee Isniintii ku timid madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa sheegtay in Madaxwaynaha la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

- Advertisement -

Sharci ahaan, afhayeenlka baarlamaanka dalkaasi, Pascal Nyabenda, ayay ahayd in uu noqdo hogaamiyaha kumeelgaarka ee dalkaasi.

Balse golaha wasiirada dalkaasi ayaa arrintan u gudbiyay maxkamadda islamarkana Mr Ndayishimiye ayaa imika noqonaya madaxwaynaha labo bilood ka hor xilligii ay ahayd in uu xilka la wareego. Waxaa xilka madaxwaynanimada loo doortay bishii May si uu u badalo Nkurunziza, oo xilka hayay muddo 15 sano ah.

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories