HomeWararSomaliland oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Dowladda Somalia

Somaliland oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Dowladda Somalia

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Xukuumadda Somaliland ayaa ka Jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawada ee uu kaga hadlay Arrinta shirkadda DP World, isla markaana uu sheegay xiligaan la joogo waqtigii dalka laga difaaci lahaa shirkaddaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo luuqada Carabiga ku qornaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin hadalkii kasoo yeeray Wasiir Cawad uuna yahay mid khalkhal gelin lagu samaynayo  xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka.

Somaliland aya ku eedeeysay dowladda Soomaaliya inay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo halkaas.

Si kastaba hadalka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Wasiir Cawad uu sheegay in dowladda ay u dul-qaadatay faragelinta shirkadda DP-world, hayeeshee intaas ka badan dowladda aysan u dul qaadan doonin, la iskana difaaci doono.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xiriirka labada wadan ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Imaaradka Carabta.

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xiriir ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

Ugu dambeyn Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories