HomeWararDowladda Somalia oo fariin hanjabaad ah u dirtay Shirkada DP world

Dowladda Somalia oo fariin hanjabaad ah u dirtay Shirkada DP world

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda DP-world ee Imaaraadka ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, isla markaana la joogo xilligii laga difaaci lahaa dalka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Telefishinka Al-Carabiy ayaa sheegay in shirkadda DP-world ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, ayna weli joojin faragelinteedii arrimaha gudaha. Sidoo Wasiir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda DP-world ee Imaaraadka ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, isla markaana la joogo xilligii laga difaaci lahaa dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Telefishinka Al-Carabiy ayaa sheegay in shirkadda DP-world ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, ayna weli joojin faragelinteedii arrimaha gudaha.

- Advertisement -

Sidoo Wasiir Cawad ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay dul-qaadatay faragelinta shirkadda DP-world, hayeeshee intaas ka badan dowladda aysan u dul qaadan doonin, isla markaana la iska difaaci doono.

“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay, waxaan diryaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Ugu dambeybtii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqay in shirkaddaasi joojiso faragelinta si dib uu ugu soo laabto xiriirkii ka dhexeeyay labada dal.

- Advertisement -

Shirkadda DP-world ee Imaaraadka Carabta  ayaa heshiisyo gaaraya 30 sanno kula wareegtay dekedaha Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, waxaana labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ay horey uga mamnuuceen dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts