HomeWararAxmed Madoobe oo shaaciyay War ku aadan dagaal beeleedyada

Axmed Madoobe oo shaaciyay War ku aadan dagaal beeleedyada

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah kal hore ku diriray deegaano ka tirsan Gobolka Jubba Hoose.

Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Culimada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax martay,

Madaxweynaha Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowladu ay wado ay u hogaansanto.

Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynaha in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, xili labbada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhulka ay Dowladu Masuul ka tahay isla markana qof walba oo ree Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories