HomeWararDalalka Caalamka oo Maanta laga sooman yahay iyo Somalia oo laga Ciidayo

Dalalka Caalamka oo Maanta laga sooman yahay iyo Somalia oo laga Ciidayo

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Khilaaf dhanka Aragtida Bisha Shawaal ayaa sababtay inay Dalalka Caalamka Islaamka ku kala qeybsamaan Munaasabadda Ciidul-Fitriga ee sanadkan 1441-ka Hijriyah. Kala duwanaanshaha waxay horseeday in dalal laga sooman yahay oo la dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, halka kuwo kalena looga dhawaaqay inay maanta oo Sabti ah tahay Maalintii Koowaad ee Ciitul-Fidriga. Markaynu eegno dalalka Carabta, waxaa […]

- Advertisement -

Khilaaf dhanka Aragtida Bisha Shawaal ayaa sababtay inay Dalalka Caalamka Islaamka ku kala qeybsamaan Munaasabadda Ciidul-Fitriga ee sanadkan 1441-ka Hijriyah.

Kala duwanaanshaha waxay horseeday in dalal laga sooman yahay oo la dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, halka kuwo kalena looga dhawaaqay inay maanta oo Sabti ah tahay Maalintii Koowaad ee Ciitul-Fidriga.

- Advertisement -

Markaynu eegno dalalka Carabta, waxaa la shaaciyey in 2 dal oo kaliya maanta laga ciideeyo, kuwaasi oo kala ah Somalia iyo Mauritania, sida ay shaaciyeen Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Dibedda ee labadaasi dal.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somalia waxay saacadihii hore ee xalay shaacisay inay Sabtida soon tahay, oo la dhamaystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, balse, saacado kadib, 2-dii Habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay waxay Wasaaraddu shaacisay in la arkay bilashadda Bisha Shawaal, isla markaana ay maalinta Sabtidu tahay maalintii Koowaad ee Ciidul-fidriga.

Waddamadda Carabta badankooda maanta waa laga sooman yahay, waxaana la iclaamiyey in maalinta Axadda tahay maalinta Koowaad ee Munaasabdda Ciidul-fitriga.Ilaa 20 Waddamo Carbeed ayaa maanta laga sooman yahay, oo berrito laga ciidi doona, kuwaasi oo kala ah: Sacuudiga, Jabuuti, Imaaraadka, Qatar, Cumaan, Kuweyt, Masar, Morooko, Baxrayn, Urdun, Iraq, Lubnaan, Falastiin, Tunisia, Algeria, Syria, Yemen, Lubnaan, Libiya iyo Jersiiraddaha Komooros.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dalalka kale ee Islaamka maanta laga dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, isla markaana berrito laga ciidi doono waxaana dalalkaasi ka mid ah: Turkiga, Indonesia, Malaysia, Iran, Pakistan, Bangaldesh, Hindiya iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda 3-da maalmodod ee Ciiddul-fitriga waxaa u dabaal degi doona guud ahaan dadka Muslimiinta ku nool Caalamka oo tiradooda lagu sheegay 1.8 Bilyan oo qof.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories