HomeCaalamkaDowladda Shiinaha oo si kulul ugu Jawaabtay Mareykanka

Dowladda Shiinaha oo si kulul ugu Jawaabtay Mareykanka

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan.

Mike Pompeo ayaa Axaddii dorrad aheyd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay.

- Advertisement -

Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo bandhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha.

- Advertisement -
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories