HomeWararAkhriso:-Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddi Cusub

Akhriso:-Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddi Cusub

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne; Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba […]

- Advertisement -

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne;

- Advertisement -

Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daadadka Gu’ga;

Markuu tixgaliyey: In wali lagu jiro xilli roobaadkii Gu’ga, iyo in ay soo laaban karaan daadad nuucaas oo kale ah;

Wuxuu Xeeriye

- Advertisement -

Qodobka 1aad

Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Kahortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah:

  1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
  2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
  3. Wasaaradda Maaliyadda
  4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
  5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska.

Qodobka 2aad

  1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku belay roobabkii xooganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.
  2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Qodobka 3aad

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Waana saxiisay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories