HomeWararWasiir Sadiiq Warfaa oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiir Sadiiq Warfaa oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalinta shaqaalaha adduunka 1-da bisha May oo ku aadday Jimcaha berri ah.

“Waxaan aad uga xunnahay in Sannadkan 2020 aysan suurtogal inoo ahayn inaan isku soo baxyo iyo kulamo isugu nimaano aan ku waynaynayo maalintaas qiimaha badan u leh shaqaalaha Soomaaliyeed sababo la xiriira Caabuqa COVID-19.Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, waana mid lagu dhiirri-gelinayo looguna sheegayo in baahiyahooda iyo xuquuqdoodaba lagu dadaalayo in la daboolo.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
“Waa u muhiim shaqaalaha Soomaaliyeed inaan ammaano hawlkar-nimadooda iyo waxtarkooda bulshada Soomaaliyeed. Waan la wada soconaa duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan, waxaana Dawladda Federaalka Soomaaliyeed u guntatay sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed.” ayuu ku daray.
Mudane Sadiq Warfa,  ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha, isagoo caddeeyay in dowladda ay ku guulaysatay joogtaynta mushaaraadka Shaqaalaha dawladda, kuwaasoo si hufan u guta hawl- maalmeedkooda. Waxaa kalo uu xaqiijiyay Fayruuska COVID-19 ee dunidda sida aadka u daran u saameeyay inuu dalka ku yeeshay saamayn dhaqaale iyo bulsho, iyadoo faafiddiisuna weli sii socoto.
“Guud ahaan cudurkani COVID-19 wuxuu saamayn daran ku yeeshay suuqyada shaqada, iyadoo shaqo la’aanta, oo awalba aad u darnayd, uu haddana uga sii daray.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaal lagu caawinayo dadka aad u nugul ee uu saameeyay caabuqa COVID-19, sidoo kalena lagu xoojiyo u adkaysiga bulshadeena ee saamaynta cudurkan. Waxay sidoo kale Dawladdu diyaarisay qorshayaal dib loogu horumarinayo dhaqaalaha dalka kaddib Caabuqa COVID-19, iyadoo shaqo abuur loo samaynayo dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, laguna taageerayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu raaciyay.
Gabagabadii, wasiirka ayaa ugu baaqay loo shaqeeyaasha inay dhowraan xaquuqda shaqaalaha gaarka ah, xilligan adag ee lagu jiro. Isagoo sidoo kale dhammaan bulshada Soomaaliya usoo jeediyay inay caawiyaan kuwa nugul si wadajir loogu guuleysto fayruska Covid-19.
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories