HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Qarax ka dhacay Suuriya

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Qarax ka dhacay Suuriya

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ugu yaran 40 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Afrin ee ku taalla waqooyi-galbeed dalka Suuriya sida ay xukumadda Turkiga sheegtay.

Barasaabka gobolka xadka Turkiga ku yaalla ee Hatay ayaa sheegay in Booyad shidaal sidday oo mareysay suuq ay dadku ku badan yihiin bam gacmeed lagu tuuray halkaasi oo uu khasaaro badan ka dhashay.

- Advertisement -

Barasaabka iyo wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa qaraxaasi ku eedeeyay maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG. Magaalada Afrin ayaa waxaa gacanta ku haya militariga dalka Turkiga oo muddooyiinkii u dambeeyay halkaasi ku sugnaa.

Koox u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo uu fadhigeedu yahay UK waxay sheegtay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku dhowdahay xafiiska gobolka looga arrimiyo.

Xilliga uu qaraxa dhacayeyna dadka ugu badan ee suuqaasi ku sugan waxay ahaayeen dad iisu diyrinayey afurka soonka bisha barakeysan ee Ramadhaan kuwaasi oo suuqa ka adeeganayey.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories