HomeWararMadaxweyne Waare oo Amar siiyay Guddi Hirshabeelle u qaabilsan hal arrin

Madaxweyne Waare oo Amar siiyay Guddi Hirshabeelle u qaabilsan hal arrin

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ay  waxyeelada  ka soo gaartay  roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday Magaalada Qardho saameynta Culus ku yeeshay dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu murugooday dhibaatada Daadadkaasi ay ku yeesheen Dadka Qardho, waxaana uu ugu baaqay Cid kasta oo garab istaagi karta Walaalaha Puntland in ay garab istaagaan, waxaana guddiyada Fatahaada Hirshabelle oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyeyaasha Labada Gobol ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe uu faray in ay u istaagaan Abaabulka U gurmashada Dadka Reer Qardho

- Advertisement -

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Hogaanka Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka geysanayaan Dhibaatada saameysay Dadka Reer Qardho, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida Shacab, Dowlad, iyo Madaxweyne Deni in ay horseed u tahay Ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira wuxuuna madaxweynuhu uu bogaadiyay isku duubnidaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan waxaana taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories