HomeCaalamkaMadaxweyne Trump oo ka hadlay xaaladda Caafimaad ee Kim Jong-un

Madaxweyne Trump oo ka hadlay xaaladda Caafimaad ee Kim Jong-un

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah uusan ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un balse uu ku rajo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

- Advertisement -

Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April.

Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.

Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi.

- Advertisement -

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories