HomeCaalamkaGen. Khaliifa Haftar oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Liibiya

Gen. Khaliifa Haftar oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Liibiya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Jeneral-ka fallaagada ah ee dalka Libya Khalifa Haftar ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu haysto “sharciyadda dadka” ee ah inuu dalka hogaamiyo, isaga oo sheegay inuu soo geba-geboobay heshiis siyaasadeedkii la gaaray 2015, wacadna ku maray inuu sii wadi doono weerarka uu ku qabsanayo magaalada Tripoli. Khudbad uu ka jeediyey taleefishinkiisa Libya ee Al-Hadath TV, ayaa […]

- Advertisement -

Jeneral-ka fallaagada ah ee dalka Libya Khalifa Haftar ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu haysto “sharciyadda dadka” ee ah inuu dalka hogaamiyo, isaga oo sheegay inuu soo geba-geboobay heshiis siyaasadeedkii la gaaray 2015, wacadna ku maray inuu sii wadi doono weerarka uu ku qabsanayo magaalada Tripoli.

Khudbad uu ka jeediyey taleefishinkiisa Libya ee Al-Hadath TV, ayaa Haftar waxa uu ku sheegay in ciidankiisa isku magacaabay “Ciidanka Libya” ay “ku faraxsan yihiin in la siiyey sharciyad taariikhi ah” oo ay ku hoggaaminayaan Libya.

- Advertisement -

“Waxaan ku dhowaaqeynaa aqbalaadda rabitaanka iyo amarka ramsiga ee shacabka ee ah inaan soo geba-gebeyno Heshiiska Skhirat,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya heshiiskii 2015 ay QM dhex-dhexaadisay ee lagu soo dhisay dowladda Heshiiska Midnimada Qaranka (GNA).

Haftar ma uusan sheegin in baarlamanka ka dhisan Bariga dalka Libya, oo saxiixay heshiiska, ay taageersan yihiin tallaabada uu qaaday iyo waxa uu mustaqbalkoodu noqon doono.

Haftar ayaa sheega inuu sharciyad ka haysto maamul ka dhisan bariga dalka Libya, wuxuuna bishii April billaabay weerar uu magaalada caasimadda ah ee Tripoli ee galbeedka ku taalla uga qabsanayo dowladda lagu dhisay heshiiska midnimada.

- Advertisement -

Hase yeeshee la-taliyaha dowladda GNA ee QM ay aqoonsan tahay ayaa diiday khudbaddii Haftar ee Isniintii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories