HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi oo digniin Culus u diray Odayaasha dhaqanka ee Soomaaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo digniin Culus u diray Odayaasha dhaqanka ee Soomaaliland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin culus u jeediyay Salaadiin maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta isaga oo uga digay in ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Warbaahinta Maqalka iyo tan la iska arkaba awaxaa la hadlayay Odayaal dhaqan oo ka hadlayay wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland […]

- Advertisement -

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin culus u jeediyay Salaadiin maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta isaga oo uga digay in ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Warbaahinta Maqalka iyo tan la iska arkaba awaxaa la hadlayay Odayaal dhaqan oo ka hadlayay wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyaga oo ku baaqay in laga talageliyo arrimhaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha maamulkaas ayaa isaga oo ka jawaabayay hadalka Salaadiinta ugu baaqay in ay faraha kala baxaan Siyaasadda kuna ekaadaan dhaqankooda hadii ay kasoo gudbaana tallaabo laga qaadayo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa yiri ” haddii uu ka baxo Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaaray oo uu Badkale galo wixii baddaa kaga soo noqda ha u diyaar garooho”.

Lama oga waxa ay Salaadiinta ama Odayasha dhaqanku ay uga jawaabi doonaan digniinta uu u jeediyay madaxweynaha Soomaaliland oo ku aaddan in ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasadda iyaguna ay ku baaqeen soo dhaweeyeen in la amba qado wadahadalada labada dhinac.

- Advertisement -

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories