HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray deegaano ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray deegaano ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo isugu jira Milateri, Nabadsugid iyo kuwa Booliska ayaa Goordhow gaaray deegaanka Balicade ee ku yaalla duleedka Cadaado, halkaas oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed. Ujeedka Ciidamada Dowladda u gaareen deegaanka Balicade ayaa waxaa uu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen Maleeshiyaadka  ku dagaalamay halkaas welina is hor […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo isugu jira Milateri, Nabadsugid iyo kuwa Booliska ayaa Goordhow gaaray deegaanka Balicade ee ku yaalla duleedka Cadaado, halkaas oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed.

Ujeedka Ciidamada Dowladda u gaareen deegaanka Balicade ayaa waxaa uu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen Maleeshiyaadka  ku dagaalamay halkaas welina is hor fadhiya.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka NISA qaybta Maamulka Galmudug Mahdi Cumar Muumin oo hogaaminayo Ciidanka Dawladda ayaa waxaa uu sheegay in ay kala qaadi doonaan Maleeshiyaadka oo uu dhexmaray dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhiamasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Maleeshiyaadka ay isku heystaan dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Balicade, isla markaana dagaalkooda uu dhowr jeer soo laab-laabtay.

Dhinaca kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa gaaray deegaanka Furinta-Foore oo ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan xiga dhanka Xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories