HomeCaalamkaAkhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus ee Caalamka

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus ee Caalamka

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dhawaqa digniinta ee duqeymaha cirka, hoonka maraakiibta, kan gawaarida iyo midka tareennada ayaa laga yeeriyay guud ahaan waddanka Shiinaha, taas oo lagu xasuusanayay dadkii u dhintay cudurka coronavirus.

Shiinaha ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyay in ka badan 3 kun oo dhimasho tan iyo bishii Diseembar markaas oo uu gobolka Hubei ka dilaacay cudurkaasi.

- Advertisement -

Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuusan xiran doonin walxaha afka lagu xirto ee gacanta ka gaysta in cudurka uusan faafin, muddo yar un kaddib markii lagu dhawaaqay in dowladdiisa ay ku talabixinayso in dhammaan Ameerikaanka ay goobaha fagaarooyinka afkooda duubtaan.

Mr Trump ayaa ku celceliyay in tallaabooyinkaas aanay qasab ahayn.

Talaaboyinka ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurada ayaa imanaysa kaddib markii Mareykanka laga xaqiijiyay laba boqol iyo toddobaantan kun afar boqol toddobaatan iyo saddex kiis oo fayraska corona ah halka dhimashaduna, ay caga cageyneyso 7,000 oo qof.

- Advertisement -

Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Mareykanka ayaa waxa ay maalin qura ka saramartay 1300, tiradaas oo noqonaysa middii ugu sarraysay ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaangeliyo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories