HomeCaalamkaAkhriso:-Tirada dadka Cudurka Coronavirus ugu dhintay Turkiga

Akhriso:-Tirada dadka Cudurka Coronavirus ugu dhintay Turkiga

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa shaacisay in 70 qof ay tan iyo Jimcihii shaley ay u dhinteen Fayriska coronavirus, taasoo guud ahaan tirada dadka u dhintay ka dhigaya dalkaas 425 qof. Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, ayaa weriyayaasha  u sheegay in illaa hadda la baaray 20,921 qof iyadoo 2,786 qof laga helay fayriska. Wasiirku waxa kale […]

- Advertisement -

Wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa shaacisay in 70 qof ay tan iyo Jimcihii shaley ay u dhinteen Fayriska coronavirus, taasoo guud ahaan tirada dadka u dhintay ka dhigaya dalkaas 425 qof.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, ayaa weriyayaasha  u sheegay in illaa hadda la baaray 20,921 qof iyadoo 2,786 qof laga helay fayriska.

- Advertisement -

Wasiirku waxa kale uu sheegay in 484 bukaan ah ay hadda ka soo bogsadeen xanuunka, waxaana xanuunka illaa hadda u jiifa isbitaalada 1,251 qof.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in bandow lagu soo rogay dhammaan dadka da’dooda ay ka yertay 20 sanno, gaar ahaan magaalada Isbitanbul oo ah oo magaalo ay dadka ku badan yihiin.

Fayriska COVID-19, oo markii horre uu ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa uu gaaray ugu yaraan 181 waddan, waxaana u dhintay 58, 000 oo qof, halka hal milyan oo qof uu guud ahaan ku dhacay xanuunka, sida ay  shaacisay hey’adda caafimaadka adduunka WHO.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories