HomeWararDalal ku bohoobay Paris Club oo 1.4 Bilyan dollar ka cafiyay Somalia

Dalal ku bohoobay Paris Club oo 1.4 Bilyan dollar ka cafiyay Somalia

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC).

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah.

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories