HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuno kala duwan riday

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuno kala duwan riday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta ufariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay debiyo kala duwan sida falal la xariira Al-shabaab, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed. Ugu horeyn waxa maxkamada furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.. Maxkamada  waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta ufariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay debiyo kala duwan sida falal la xariira Al-shabaab, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed.

Ugu horeyn waxa maxkamada furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan..

- Advertisement -

Maxkamada  waxa soo xaadirey Garsoorayaasha Maxkamada eedeysanayaal ilaa 10 gaaraya iyo boqolaal dadweyne oo dhageysanayey dembiyada lagu soo eedeeyey eedeysanayaasha iyo go’aanka maxkamada ka qaadatay.

Xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ayaa edeyn u soo jeediyey 11 ruux oo 2 kamid ah ay dumaryihiin waxana maxkamada goob joog ka ahaa 10 ka mid ah halka 1 qofna uu baxsad yahay oo laamaha amniga ay baadi goobayaan.

Waxa mid mid so’aalo maxkamada dhexdeeda loogu weydiyey eedeysanayaasha oo qaarna qirtay qaarna iska fogeeyey dambiga lagu soo eedeeyey.

- Advertisement -

8 ka mid ah eedeysanayaasha waxa lagu soo eedeeyey in ay lug kulahaayeen qarax miino dhulka lageliyey nooca telefoonada lagahego oo 16 ka bisha maarso 2020 ka dhacay maqaayad ku taalo suuqa xoolaha ee magaalada xuddur waxana ku dhaawacmay 7 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, labada kale ee eedeysane waxa loo heystaa dil 2 qof oo shacab ah loogeystay 20-7-2018 oo ka dhacay deegaanka Hiibow oo hoostaga degmada xuddur.

Xeer ilaaliyaha maxkanada Maxamed Maxamuud Iidow ayaa sharaxay dambiyada lagu eedeeyey waxana maxkamada ka codsaday in shareecada islaamka lawaafijiyo xukunkooda.

Gabagabadii xukunka maxkamada waxa ku dhawaaqey guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts